Caalamka oo Muwaadiniintiisa kala baxaya Wadanka Niger

Mareykanka,ayaa go’aansaday qayb ahaan inuu kala soo baxo dalka Niger, shaqaalaha safaaradiisa ee dalkaas.

Arrintaan,ayaana daba socota Afgambigii toddobaadkii la soo dhaafay ka dhacay Niger.

Boqollaal ajaanib ah,ayaa laga daad gureyay dalkaas, iyadoo Axadddiina safaaradda Faransiiska ay weerareen dibadbaxayaal.

Hoggaamiyaha AfgambigaJeneraal Jeneral Abd al-Rahman Tianyi, ayaa ka digay faragalin kasta oo ka dhan ah arrimaha dalkiisa isla markaana kaga timaada dibadda.

Dalka Niger waa wadan soo saara Uranium-ka kuna yaalla marin muhiim ah socdaalka Waqooyiga Afrika iyo Mediterranean-ka.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading