Waraaq Furan
Shalay Maanta u Ekaa
Ujeedo: Nasteexayn iyo Tallo siin ku socota Madaxwaynaha Dawlada Federaalka Soomaaliyeed Dr Hassan Sh Mohmud
Soo jeediye
Caasha Gelle Dirie
Siyaasi Madax Banaan
Talaado 26.11.2024
Mudane Madaxwayne
Iga gudoon salaam milgo iyo Sharaf huwan , salaan kadib ,qoraalkaygan aan sumada uga dhigay Nasteexayn iyo Tallosiin oo kugu socota wXaan kugu xasuusinayaa xaqiiqda dhabta ah oo dalku maanta marayo maadaama aan hubo in aan madaxdu ay yihiin dadka ugu dambeeya oo ogaada caqabadaha ku gadaaman dawladnimada.
Maadaama aan soo wada shaqaynay, ixtiraam badana kuu hayo waxaan warqadaan u qorey in aan ka dhabeeyo maahmaahda ah walaalkaa u hiili oo khaladkiisa u sheeg si uu isku akhriyo waxa laga sheegayana uu isaga saxo maadaama hoggaamiyaha khaladkiisa garwaaqdadaa uu yahay hogaamiyaha guuleysta.
Mudane Madaxwayne
Anigoo ku hadlaya Magacayga ,magaca Soomalida inta Wanaaga Jecel oo wadaniyiinta ah iyo soomaalidii goobjooga ka ahayd burburkii soo gaarey dalka iyo shacabka Soomaaliyeed iyo juhdigii laga soo marey baadigoobkii dib u yagleelida Dawladii Soomaaliyeed burburkii 1991 ka dib. waxaan rabaa in aan xaashidaan furan kugu xasuusiyo qormo kooban ku ku saabsan shalay iyo maantay oo iskula kay ekaaday talladaydana aan kuu raacsho.
Maadaama aan ka mid ahaa Siyaasiyiintii ugu horeysay ee Soomaaliya yeelato burburkii kadib, goobjoogna ka ahaa dhacdooyinkii, mahadhooyinkii iyo tacadiyadii kala duwanaa ee dagaaladii sokeeye laga dhaxlay.
Maadaama aan ka mid ahaa dadkii qaybta ka ahaa dadaaladii iyo shirarkii kala duwanaa oo lagu raadinayey in colaadaha dalka ka dhacay lagu joojiyo dibna loogu yagleelo Dawlad soomaaliyeed oo dadka Soomaaliyeed wada dhistaan heshiisna ku yihiin
Maadaama aan si dhaw ula socday kala
soocankii iyo barakacii ku dhacay shacabkii Soomaaliyeed oo wada taalka ahaa, burburkii dawladnimadii , culaysyada dhaqaale oo soo wajahay danyartii dalka ku hartey, masuuliyadii maareynta qoyska oo haweenka soomaaliyeed gaarka u fuulay walina aanay ka soo kabsan.
Maadaanma aniga iyo adiguba aanu ka mid ahayn ururadii bulshada rayidka ah oo u taagnaa gacansiinta dadka Soomaaliyeed ee dagaaladu naafeeyeen , qaybna aanu ka ahayn fadhiyadii iyo wadatashiyadii bulshada soomaaliyeed ee dib loogu yagleelayey dawlad Soomaaliyeed.
Waxaan rabaa Mudane Madaxwayne in aan ku xasuusiyo halkii cashar oo ugu muhiimsanaa oo laga bartay dagaaladii sokeeye in uu ahaa in aan Soomaalida dib dambe isku caburin karin, kala adkaan karin, waxaysan raali ka ahayna lagu dirqin karin ,muhiimna ay tahay in aan casharkaas laga ilduufin.
Mudane waxaa kale oo dagaaladii sokeeye soomaali ay ka bareen in reer walbaa dib ugu noqday deegaanadii uu ka soo jeeday, iimaansadeen, wax ka qabsadeen ,nabad iyo daganaanshana ku dareemeen.
Mudane ,dhib kasta oo Soomaali soo martey waa ka soo doogtay, colaadihii ragaadsaday sanadaha badan waa laga nastay, shacabkii barakacay deegaanadii ay ku gurya noqdeen waxay ka dhisteen ismaamul iyo kala dambeyn si aanay mar dambe u barakacin.
Waxaa dhamaystirmay ismaamul goboleedyadii oo deegaano ku salaysan, waxaa kalio la dhisay Dawlad dhexe oo Federaal ah oon is lahaa waxay baritaari doontaa maamuladii dhismay,waxayna wada ixtiraami doonaan heshiiska bulsho oo ay qorteen oo ay ku cad yahiin masuuliyadaha ay wadaagaan, kuwa ay kala leeyihiin iyo tallawaaga ay go’aamada masiiriga ah ku gaarayaan.
Alxamdulilah maamuladii shacabka u dhismay waa u shaqeeyeen, shacabkii wada dhistayna waa ku liibaaneen ,horumar balaaran ayeyna ku talaabsanayeen sanadba sanadka ka dambeeya.
Dawlada dhexe ee Federaalka Soomaaliya iyana dhismaheeda soomaali waa u wada guntatay waxaana laga qabay yadadiilo wayn oo ay ka mid ahayd tayeynta iyo u qareemida maamulada xubnaha ka ah Dawlada Federaalka iyo filashada ahyd waxaaga alle wax kuugu dar, baraare iyo barwaaqana lagu gaari doono.
Waxaan kaloo anigu aan aaminsanaa in dawlada dhexe iyo maamul goboleedyadu ku guuleysan doonaan wadashqayn ,wadatashi hufan, masuuladaha la kala leeyahay oo laysku ixtiraamo, dastuurka dawlada dhexe iyo kuwa maamulada oo la mideeyo si aanay isaga hor imaan, la wada ilaasho.
Nasiib daro inta aan xasuusto dhalashadii Dawlad Federaal ilaa maanta ma arag khilaaf iyo iska celi mooyee wadashqayn lagu naaloodo, bilowgii dawlada dhexe waxaan ku qalbi qabowsan jirey nidaamka Federaalka waa nagu cusub yahay, waa la fahmi doonaa oo gadaal baan ka baraari doonaa.
Waxba waa isa soo tari waayeen, Dawlada Federaalka iyo Maamul goboleedyadii waxay noqdeen labo dal oo col ah oo tartan ka dhexeeyo oo midba kan kale iska ilaalinayo.
Waxaa isku kay qaban waayey sida xaal noqday iyo sjda wax ka noqdeen Dawlada Federaalka oo aan islahaa hooyo ayey u noqonaysaa maamulada xubnaha ka ah, dulqaad bay muujinaysaa ,maamulada waa u dhimrinaysaa, awood dhis iyo dhaqaale bay ku kabaysaa iyo la mood noqonse wayday , khilaaf mooyee in aanay wax la taaban karo maamulada ku soo kordhin, waliba waxaan aaminsanahay in ay wax kala dhacday oo dhaqaalihii ha’ayadaha caalamiga ah ay toos awal uga heli jireen ay shakad adag gashay oo loo leexshay dawlada dhexe, khilaaf cusub oo ilaa maanta taagana uu abuurey.
Aniga aragtidayda waxaan is leeyahay filashadii Dawlada Federaalku waxaa ay soo kordhisay in ay kala fogaadaan hoggaankii maamul goboleedyada iyo siyaasiyiintii ka soo jeeday maamulada ,waxaa hadda Dawlada Federaalka iyo Maamul goboleedyada ay u muuqdaan laba ciidan oo difaac isugu jira mararaka qaarkoodna iska hor imaad ka dhex qarxo, hadalada xanafta leh iyo wiiftada kala fogaanshaha sii kordhisa oo aan laysaga turin, taas oo sii adkeynaysa xaalada jirta ka soo rayn aanay ka muuqan.
Dib u doorashadii Madaxwaye Dr Hassan Shekh mar labaad anigu shaqsiyan waxaan aaminsanaa in madaxwaynuhu noqon doono hoggamiye waaya arkay, khilaafaadyada ka jira maamulada iyo Dawlada Federaalka xal u helidooda fahamsan, nasiib daro xaalada Maamuladii iyo Dawladii Federaalku waa sii cakirantay, kala aragti duwanaantu waa sii korodhay, waxaa la kala qaybshay Maamuladii isku mabaadiida iyo isku baahida ahaa, waxaa maamulada ka aragti duwanaaday siyaasiyiintii labada aqal loogu xulay matalaada maamulada,waxaa la ansixiyey shuruuc badan oo masiiri ah oo aan maamulada lagala wada tashan, siyaasiyiintii labada heer dawladood waa ku guuldreysteen in ay khilaafka xaliyaan , dabkii baxayey bayna basiin ku sii shubeen
Waxaa bilowday dhaqan aan laysku garaabayn oo in uu burbur keeno mooyee aan ka soo rayn lahayn sida in maamulkii hogaansami waaya in aan loo joojin, waxaa kala aragti duwanaaday siyaasiyiintii maamuladooda difaaci lahaa oo dadkooda dhinac ka raacay, una jarjeersaday dawlada dhexe oo ay shaqa wadaaga noqdeen.
Baarlamaankii Fedraalka iyo Aqalkii sare ee u igmanaa difaaca maamulada iyo xukuumadii ayaa awoodi waayey in ay xal u helaan khilaafyada maamulada iyo dawlada dhexe .
Siyaasiyiintii Soomaaliyeed iyo Somaalida inta ay la jaanqaadi karaan waxaa ay noqdeen kuwo ka faa’ideystay dawladnimada oo dhaqale iyo fursade ka sameeya, indhahana ka saabta khilaafyada soo noqnoqda iyo shacabka nolosha adag la daalaa dhacaya, waxaa mugdi galay rajadii dhalinyadii mustabalka oo ka quusatay jnay helaan fursado shaqo go’aansadayna in ay dalka ka rajo dhigaan oo tahriibaan.
Ganacsatadii Soomaaliyeed ayaa ganacsiyadoodii dalka ka saarey ,hantidoodana geeyey wadamada dariska oo kenya ugu horeyso, shacabka intii kari kartay ayaa iyaguna qoysaskoodii dalka ka saarey, qurbajoog rajo dalka ka qabtay ayaa iyaguna candhuuftooda dib u liqay oo ku Nagaaday Qurbahoodii.
Illaa burburkii dawladii soomaaliya oo aan dalka ku sugnaa ma arag xilli ay soomaaliya maanta ka rajo liidato, waxaa ii muuqda sansaan colaadeed oo soomaalidii isku soo dhawaanaysay ay kala shakiyayaan, waxaa kordhay dagaalada sokeeye oo gobol walba oo soomaaliya ah ka socda, waxaa xoogaytay fikirka ah cidii kaa aragti duwan iska fogee.
Waxaa ku dhawaad labo sano xiiriirka Dawlada Federaalka ka maqan Puntland oo aan shaqsiyan ogaa dhibta ay ka soo martay yagleelid dawlad soomaaliyeed waxaan isleeyahay shacabkaas iyo maamulkaas ma mudnayn in khilaafkooda miisaan yeelan waayo.
Waxaan Dawlada dhexe aanay si wanaagsan u maarayn dhibaatadii naf iyo maal lahayd oo maamulka somaliland u gaysteen shacabka SSC oo ka soo horjeeda gooni goosadka, waxaana ilaa hadda aanay helin garowsho, dibudhis iyo aqoonsi.
Waxaa barakac lagu sameeyey danyartii soomaaliyeed oo dagaaladii soomaaliya ka soo barakacay oo mogdisho dagay dib u dajina aan loo samyn,taas oo noqotay kan tabarta daran ka qaad oo kuwa tunka wayn sii.
Waxaa hadda khilaaf kale ka bilowday Juba land oo ayaduna noqotay dhib kale oo soo siyaaday ciidankii Soomaalida oo iskugarabka ahaa ayaa layska horkeenay
Mudane bi kuli Ixtiraam wadanka adaa Madaxwayne ka ah wixii wanaag ah oo wadanku ku talaabsado adiga libintiisa leh, wixii khalad dhacana adigaa aduun iyo aakhiraba masuul ka ah, baarlamaanka iyo siyaasiyiinta khaladka kugu garabsiinaya mustaqbalka waxba laga waydiin maayo khaldka ay sameeyaan.
Intaas oo arar ah ka dib waxaan rabaa in aan mudane ku siiyo tallo iyo nasteexayn dalka badbaadin karta Madaxwayne ahaana masuuliyadaada guuleyn karta,
1. Madaxwayne wax kasta oo khaldamay iyo isafgaranwaa kasta oo dhacay waa la sixi karaa, hoggaamiye ahaan adaa lagaa rabaa in aad saxdo wax kasta oo khaldamay ,tanaasul 100% ahna ka samayso
2. Madaxwayne in aad guuleysato waxaa ay ku xiran tahay in aad la fariisato cid kasta oo kaa aragti duwan mucaarad iyo maamul waxaan kugula talin guushaada dawladnimo cid aan fureyn yaanay kaa marin habaabin
3. Madaxwayne xasuusnow in aan qof , koox iyo maamul midna aadan uga maarmin horusocodnimada dawladnimada iyo guusha hoggaankaaga , inta shaqsi saamayn leh iyo maamul uu dibada kaa jiro higgamintaada nusqaan ayaa ku jirta mana guulaysanaysid.
4. Go’aanka wanaagsan ee soomaaliya mustaqbalka qof iyo cod , waxaa uu guuleysan karaa kaliya marka aad kala tashato dadka taladu ka go,do iyo maamulada laga qabanayo doorashada loo joojin maayana natiijo hubanti leh keeni mayso,
5. Madaxwayane adiga ayaa lagaa rabaa in aad dadka kaa aragti duwan ka dalbto, wada hadal, iscafis, gogol wada tashi si qorshaha hogaamintaadu u guuleysto
6. Mudane madaxwayne haddii Siyaasiyiinta khilaaf ka dhex dhaco horumarka iyo dhawrista xuquuqda bulshadu iyo maalgalintoodu maaha in ay saamayn ku yeeshaan khilaafka, arinkaasina waxaa uu sii cuslaynayaa ka quusashada dawlad dhexe oo loo siman yahay
7. Madaxwayne Siyaasiga danaystaha ah oo maamulkii uu matalayey dayacay adiga har kuu jiidi maayo waxaana uu qarka ka sii tuurayaa masuuliyadii aad u dhaaratay ee dhab u ogow
8. Madaxwayne hadaad aaminsantahay in Dawladnimo ,kalsooni iyo Soomaalinimadii nooshahay, waxaa rajadu maanta ay ka hooseysaa 30% adiga ayey kugu xiran tahay in aad tallada dhulka dhigto, madaxda aad hogaamiyaha u tahay ,waxgaradka iyo haldoorka la tashato shirwayne ugu yeerto, la heshiiso wadajirna tallada dalka loo jaan gooyo.
9. Madaxwayne waa In aad ogaato in Dawlada dhexe guulaysan karto kaliya marka dhamaan maamulada isfahamsan yihiin, xaqsoor jiro ,tallada wadaagaan isla xaqiijiyaan maadaama ayaga ay masuuliyadii shacabku saaran tahay
10. Ugu dambeyn waxaan Mudane Madaxwayn kuugu nasteexaynayaa hogaamiyaha guuleysta waa kan khaladka farta loogu fiiqo garwaaqsada, dusha saarta wixii khaldamay, soo dhaweeya cid kasta oo ka aragti duwan, gogol nabadeed fidiya,tanaasulkiisa badiya , talaabadaas ku dhaqaaq baan Madawayne ku oran lahaa.
Mudane Madaxwayne warqdaan waxay ka timid dareenkayga, maadaama aan dareemay in wadadii qodxaha badnayd oo la soo marey aad moodo in hayaan loo yahay.
Cid gaar ah uma rarni, fikir xagjir iyo mucaaradnimo ma xambaarsani waxaan ahay muwaadin jecel in Dawladnimadu guuleysato,
Uma jeedo in madaxwaynaha kaligi khaldan yahay lakiin anagu waxaan dooranay oo noo dhaartay adiga waxaan horusocodnimo , xaqsoor iyo hoggaan wanaag aan ka sugaynaa waa kaligaa
Raaligalin baan ka bixinayaa wixii qadaf ama dhibsi ka yimimaada qoraalkaygaan aan dareen hadlay
Allaa Mahad leh.
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.