Cabdi Iley “Wax dambi ah ma gelin intan Maamulayay DDS”

Madaxweynihii hore ee dowlad degaanka Soomaaliya Cabdi Maxamuud Cumar oo mar kale maxkamad la soo taagay ayaa sheegay in uusan danbiile aheyn sidaa daraadeed mudan in yahay in la sii daayo.Madaxweynihii hore ee dowlad deegaanka ayaa ku eedeysay in ay ka danbeeyay rabshado ay ku dhinteen in ka badan 58 qof o oka dhacay magaalada Jigjiga ee Ismaamulka dowlad deegaanka Soomaalida.

”Intii aan talada hayay waxaan u maamulayay dowlad deegaanka si wanaagsan, wax danbi ah ma galin danbiile ma’ahi” ayuu yiri Cabdi Maxamuud Cumar. 

Cabdi Maxamuud Cumar ayaa dalbaday in xorriyaddiisa dib loo siiyo maaddaama uusan jirin dambi cad oo uu ka galay Ismaamulka Soomaalida.

Cabdi Maxamuud Cumar ayaa dhowr jeer oo hore kasoo muuqday Maxkamada Federaalka Itoobiya ilaa iyo haddana ma jiro wax xukun ah oo ku dhacay.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading