Cabdi Xaashi oo dalbaday in loo madax baneeyo doorashada xubnaha Somaliland (Akhriso)

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee BJFS Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa qoraal uu u diray Madaxda dowladda ee muddo xileedkooda uu dhamaaday & dowlad Goboleedyada waxaa uu dalbaday in loo madax banaaneeyo Arrinta gobolada Waqooyi ee doorashooyinka.

Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa sheegay in aan wax tixgelin ah laga siinin shirarkii looga hadlayay arrimaha doorashooyinka ee ka qabsoomay Dhuusamareeb Siyaasiyiinta Gobolada Waqooyi, isagoona ku eedeeyay Madaxweynaha Muddo xileedkiisa uu dhamaaday & Xukuumadiisa inay dadaaal adag u galeen in aan laga hadlin arrimaha doorashooyinka Gobolada Waqooyi ee loo yaqaan Soomaliland, isla markaana ay faafiyeen warar ay kamid yihiin inay heshiiyeen iyo in guddiga loo qeybiyay.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading