Cabdikariin Xuseyn Guuleed oo horay xilka qaadis loogu sameeyay oo si rasmiya isku casilay

Madaxweynihii maamulka aan sharciyada buuxin ee Cadaado ee dhawaan Baarlamaanka maamulkaasi xilka qaadista ku sameeyay C/kariin Xuseen Guuleed ayaa Maanta ku dhawaaqay in uu Is casilay.

C/kariin Guuleed ayaa Iscasilaaadiisa ku Sababeeyay sababo Caafimaad,waxaana uu hadda joogaa Wadanka Hindiya oo uu Caafimaad u aaday.

Baarlamaanka maamulka aan sharciyada buuxin ee Cadaado, ayaa Horay Xilka uga qaaday C/kariin Xuseen Guuleed,balse waxaa xilka qaadistaa ka hor yimid oo diidan  Cabdikariin Xuseyn Guuleed.

Cabdikariin waa xubintii ugu danbaysay ee ka mid ah xisbigii Damjadiid ee uu hogaaminayay Madaxweyne Xasan Shiikh oo masraxa siyaasada looga adkaado kana baxa.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

Be the first to comment on "Cabdikariin Xuseyn Guuleed oo horay xilka qaadis loogu sameeyay oo si rasmiya isku casilay"

Leave a comment

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading