Cabdirashiid Janan oo socdaal qarsoodi ah ku tagay Addis Ababa

Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan) Wasiirki hore ee Amniga Jubbaland ayaa ku sugan magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, isagoo safarkii u horreeyay kaga ambabaxay Muqdisho tan iyo markii bishii March uu isku soo dhiibay dowladda Federaalka.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya socdaalka C/rashiid Janan ee Addis Ababa oo uu ku wehliyo Wasiiru Dowlaha Gaadiidka C/raxmaan Dheere oo ahaa ninkii hoggaaminayay wada hadalkii iyo qorshihii C/rashiid Janan isugu soo dhiibay dowladda.

Ilo kala duwan ayaa sheegaya in qorshe ku saabsan dhaq dhaqaaqyada Gobolka Gedo uu u tagay Addis Ababa, halka warar kalena sheegayaan in arrimo Baasabor uu u tagay.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading