Cabdiraxmaan Cabdishakuur “Farmaajo wuxuu soo kordhiyay khaarijin, shirqool iyo sumcad dil siyaasadeed”

Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ee DFS Maxamed C/llaahi Farmaajo inuu Siyaasadda Soomaaliya kusoo kordhiyay dhaqamo fool xun oo aan Soomaalidu horey u aqoon.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook ayaa sheegay in Farmaajo uu Siyaasadda kusoo kordhiyay, khaarajin, Shirqool iyo Sumcad dilka Siyaasiyiinta kasoo hor-jeeda habdhaqan Siyaasadeed ee Dowladdiisii.

“Soomaalidu dhaqan uma laheyn is khaarijin, shirqool iyo sumcad dil siyaasadeed. Waa eel iyo aafo ay siyaasadda ku soo kordhiyeen taliska xilligiisu dhacay ee uu hoggaaminayey madaxweyne hore Maxamad Farmaajo”. ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading