Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo la joojiyay khudbadisii xaflada caleema saarka

Siyaasiga caanka ah ahna gudoomiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan cabdi shakuur oo ka soo qaybgalay xaflada caleemo saarka madaxda puntland oo si toosa ah caawa uga socota gudaha xarunta madaxtooyada puntland ayaa la  sheegay inuusan wax khudbad ah ka jeedindoonin inta ay socoto Xaflada caleemo saarka madaxda cusub ee puntland.

Badi wafuudi ka soo qaybgashay xaflada caleemo saarka ayaa jeedindoona khudbado maraka laga reebo siyaasiga iyadoona  loo sababeeyey arintaasi codsi ka yimid madaxweynaha soomaaliya maxamed cabdulaahi farmaajo iyadoona madaxweynuhuu uu ku xiray imaatinkiisa Garawe iyo ka qaybgal xaflada caleemo saarka madaxda puntland inuusan khudbad ka jeeedin cabdiraxmaan cabdi shakuur arintaasi ay ka aqbaleen madaxda puntalnd.

Tani waxay muujinaysaa hogaan jileeca Madaxweynaha Puntland ee cusub uu durba muujiyay.

Waxay kaloo Toosh ku ifinaysa isku kalsoonaan la’aanta iyo sida uu uga fog yahay maamul wanaaga Madaxweyne Mohamed Abdullahi Farmaajo.

Sidoo kale waxay muujinaysaa miisaanka siyaasadeed ee uu leeyahay Gudoomiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading