Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo si cajiib ah uga hadlay laalista kiiskii C/rashiid Janan

Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook ayaa ka hadlay talaabada Xeer ilaalinta DFS ee muddo-xileedkeedu dhamaaday ay ku laashay gal-dacwadeedkii Wasiirkii hore ee Amniga Jubbaland C/rashiid Janan, kass oo ku eedeysanaa xasuuq uu dad Shacab ah ugu geystay Gobalka Gedo.

Halkaan Hoose ka Akhriso qoraalka Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Xeer ilaaliyaha guud ee Israa’iil ayaa dacwad ku soo oogay Raysalwasaaraha dalka Benyamin Netanyahu,. Maxkamadda Jerusalem ayaa billawday dhageysiga dacwaddiisa, halka shalay xeer Ilaaliyiha Soomaaliya dacwad uu isagu horay ugu soo oogay C/rashiid Janan u cafiyey, Maxkamadda Banaadirna ku raacday. Imaam Ibnu Taymiyah ayaa laga wariyey in uu yiri

“Alle dowladdii caaddil ah ayuu u gargaaraa, haddii ay doonto gaalo ha noqotee, garabna ma siiyo dowladdii dulmiga ka shaqeysa haddii ay doonto Muslim ha ahaato”

Dulmiga, caddaalad darrida iyo ku tumashada xaqa muwaadinka waxey horseeda burbur ummadeed iyo qaran jab.

Farriintaan hala gaarsiiyo kuwa culimmada sheegta ee maalin walba fatwada diiniga ah la garab taagan Farmaajo oo sidii uu doono sharciga dalka ugu tunta.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading