Cabdirisaaq Afguduud Oo loo magacaabayo Talyaha Booliska Puntland

Talyaha Booliska Puntland sida warku igu soo gaaray waaa la badalay,waxaana loo dhiibay Cabdirisaaq Afguduud,inkastoo wareegtadu aysan soo bixin.

Cabdirisaaq Afguduud waa Sarkaal ka dhabayn kara dib uhabaynta Booliska Puntland uu baahida weyn uqabo,

Talye Muxyidiin oo hogaaminta Boolsika soo hayay sanadkii ugu danbeeyay,ayaa lagu dhaleeceeyay aqoon xumo,fudayd iyo isagoonba gaari karin Gobolada qaarkood.

Xuskii sanadguuradii 76-aad ee Ciidanka Booliska,ayuu Madaxweyne Deni ka sheegay in dib -uhabayn balaaran lagu samaynayo Boolsika.

Dib uhabaynta Booliska Puntland,ayaa loo igmaday Odoyaaal ay hormuud u yihiin Khaliif Ciise Mudan iyo Jeneral Bashiir talyihii hore ee Booliska Fadaraalka.

Sida xogtu sheegayso saacadaha soo socda,ayaa la filan karaa wareegtada xilka qaadista iyo mida magacaabista ee booliska.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading