Cabdisalaam Salwe oo xilkii xoghayaha joogatada Xaafiiska RW laga qaaday

Raysal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyrye ayaa xilkii ka qaaday xoghayihii joogtada ahaa ee xafiiska raysal wasaaraha Soomaaliya Cabdisalaam Salwe.
 
Cabdisalaam Salwe oo sanadkii tagay bartamihiisii loo magacaabay xilkan ayaa hadda lagu badalay Maxamed Keynaan oo horey uga mid ahaa guddigii heer federaal ee hirgalinta doorashooyinka dadban ee Soomaaliya, wuxuuna ahaa  afhayeenkii guddiga doorashada.
 
Salwe ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook  ku sheegay inuu soo dhoweynayo xil ka qaadista lagu sameeyay, isagoo u hambalyeeyay masuulka lagu badalay.
 
Waxaa kale oo uu u mahad celiyay Raysal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid, oo xilkaas u magacaabay iyo cid kasta oo ay soo wada shaqeeyeen.

Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

Be the first to comment on "Cabdisalaam Salwe oo xilkii xoghayaha joogatada Xaafiiska RW laga qaaday"

Leave a comment

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading