Cabdisamad Abwaan oo loo doortay Senator kamid ah Aqalka Sare

Cabdisamad Yuusuf Maxamed (Abwaan), ayaa loo doortay Senatorka 5-aad ee Puntland ku matalaya Golaha Aqalka Sare ee BJFS, kaddib markii uu u tanaasulay Ismaaciil Mire Muumin oo ahaa musharaxa la tartamayay.

Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ayaa intaas kaddib cod gacan taag ah galiyay, waxaana codka kalsoonida ah siiyeen 64 Xildhibaan.

Senator Cabdisamad Yuusuf Maxamed (Abwaan), ayaa ahaa Guddoomiyihii Gobalka Bari ee Dowladda Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni.

Idilnews


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading