Cali Dheere”Weerarkii Hotel-ka Nairobi wuxuu jawaab u ah Trump”

Cali Dheere ayaa sheegay in weerarkaas uu ahaa aar-goosi, looguna magac daray “Labeyka Yaa Qudus” waxaana uu intaa ku daray inay qaadeen Guutada Saalax Nabhaan oo sanadkii 2009 ay Mareykanka ku dileen duqeyn ka dhacday agagaarka Baraawe.


Waxaa uu sheegay in howlgalkan uu bixinayay farriin ah in Umadda Muslimiinta ay leedahay rag ka dhiidhiya dulmiga, sidoo kale waxaa uu xusay in dagaalamayaashii galay Galabnimadii Talaadadii Hotelka DusitD2 ay 24 saacadood la dagaalamayeen Ciidamada Kenya, Mareykan iyo Ingiriis.


Cali Dheere ayaa sheegay in 50 ay ku dileen weerarkaas oo isugu jira Mareykan, Ingiriis iyo kenyan ah.


Al-Shabaab ayaa horay weeraro dad badna ku dhinteen ka fuliyay gudaha Kenya, weeraradii dadka fara badan ku dhinteen ayaa waxaa ka mid ahaa weerarkii jaamacadda Gaarisa ee sanadkii 2015 iyo weerarkii Westgate ee sanadkii 2013.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading