Cali Guudlaawe oo amar dul-dhigay Ciidammada

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa baaq nabadeed u diray beelaha walaalaha ah ee ku dagaalamaya deegaanka kabxanlay ee waqooyiga Magaalada Beledweyne.

Madaxweynaha ayaa nasiib darro tilmaamay in xilligan uu daato dhiig dad walaalo ah waxa uuna dhinacyada dirirta u dhaxeyso ugu baaqay in sida ugu dhaqsiyaha badan dagaalka ku joojiyaan, islamarkaana wax walba ku xaliyaan wadahadal.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay Maamulka Gobolka, Hay’addaha Amniga, Nabadoonada, Waxgaradka iyo Culuma’udiinta Gobolka Hiiraan in si deg deg ah ay ugu baxaan joojinta colaada beelaha walaalaha ah

Idilnews


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading