Camey iyo wafti uu hogaaminayo oo gaaray Gaalkacyo

Madaxweyne ku xigeenka Puntland iyo wafti uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.
 
Ujeedka socdaal Madaxweyne ku xigeenka,ayaa lagu sheegay dhameystirka wadahadalo horay u socday oo u dhaxeeyay Puntland iyo Maamulka Cadaado.
 
Waxaa isna soo gaaray Gaalkacyo ku xigeenka Xaaf oo matalaya maamulka Cadaado.
 
Labada dhic ayaa ka wada hadli doona arimo ku saabsan amaanka oo ay ugu horayso soo afjarida colaadaha ka jira qeybo ka mida gobolka kuwaas oo inta badan dhexmara dhaxmara dadka reer guuraaga ah ee ku wada dhaqan miyiga Gobolka Mudug.

Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading