Faallo:-Caqabada ugu weyn Ee Somalida soo wajahday waa Xamar in ay Caasimad sii tahay

Dhibka Somalida burburkii kadib soo wajahay,waa in Xamar Caasimad usii ahaato.

Qodobka ugu horeeya ee ay tahay n laga doodo,hadiiba weli rajo laga qabo Somali sii wada socota,waa in Xamar Caasimada laga wareejiyo.

Macno ma samaynayso nidaam walba oo la qaato,sababtoo ah marka Xamar laga dejiyo,ayuu noqonayaa hawlgab fashilma.

Sidoo kale xalku ma’ahan Ninka Kursiga ku fadhiya oo la badalo,sababtoo ah kii yimaadaa wax badan kama duwana kii ka horeeyay.

Si gaar ah reer PL hadaan nahay Wadankan,waan gelinay wakhti ku filan oo badbaadadiisa lagu raadiyo,waase ku hungownay.

Koonfur oo aan Dowladnimo udiyaarsanayn,ayaan Dowlad ku khasabnay.

Xamar oo aan Caasimad uqalmin markale,ayaan ku celinay.

Dastuur,ayaan usamaynay Dad aan udiyaarsanayn.

KMG,ayaan ka saarnay nidaam,aan diyaarsanayn.

New Deal iyo Hawadii,ayaan wareejinay,iyadoon la gaarin.

Maanta hadaan sii daba socono,waa ku dumaynaa ee aan isbadbaadino Koonfur Dowladnimo ma rabto mana gaarsiisna.

JQ.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading