Garoowe: 04 December 2024: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane H.E Ilyas Osman Lugatoor , ayaa maanta furay Bandhigga Buugta Puntland (Puntland Bookfair) oo saddex maalin ka socon doona caasimadda Garoowe.
Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa boggaadiyay Bandhigga oo ay ka qeybgeli doonaan boqolaal qof oo ay ku jiraan Qoreyaal, Siyaasiyiin, Sugaanyahano iyo Aqoonyahano isaga yimi dal iyo dibed, wuxuuna soo dhoweeyay mowduuca sanadka looga hadlayo ee ku saabsan Federaalisim-ka, isagoo madasha la wadaagay in mowqifka Puntland ee
Federaalka uu weligiis ahaa mid cad oo aan isbedelin.
Halkan ka daawo muuqaalka
-DHAMMAAD-
-XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND-
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.