Casho sharaf sagootin ah oo loo sameeyay Madaxweyne Deni?

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ka qeybgalay xaflad Casho oo sagootin ah oo caawa loo qabtay isaga iyo wafdigiisa , taasi oo ay soo diyaariyeen Ganacsatada Soomaaliyeed ee Dalka Zambia.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa uga mahadceliyay Safaarada Soomaaliya ee Zambia, Jaaliyadda Soomaaliyeed iyo Ganacsatada sida weyn ee ay usoo dhoweeyeen Isaga iyo Wafdiga la socda, wuxuuna kula dardaarmay in ay illaashadaan midnimada ay ku caanbaxeen wadashaqeynta iyo is gacan qabashada dhexdooda ah.

Waxaa Madaxweynaha ku weheliyay munaasabadda, Safiirka Soomaaliya ee Dalka Zambia Marwo Xaawo Xasan Maxamed, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Puntland Cabdifataax Maxamed Cabdi Nuur, Mudane Xildhibaan Cabdiqani Dhaashane oo ka tirsan Golaha Wakiillada Dowladda Puntland iyo Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Dalka Zambia Mudane Maxamuud Maxamed Hiiraan iyo Ganacsatada Soomaaliyeed ee Dalka Zambia.

DHAMMAAD

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading