Ceelka cusub ee Deegaanka Dharkayn-geenyo ee Gobolka Sool,ayaa loo dhameystiray dhamaan qalabaynta iyo dayactirada Ceelka.
Si loo daboolo baahiyaha ka jira dhanka qalabka ee ceelka Deegaan Dharkayn-geenyo waxa loo dhameystiray haan qaadeysa 250-Fuusto,Darka Xoolaha ay ka cabaan ,halka ay ka dhaansan doonan dadka ,Matoor ,Pamp , Qolka waar diyaha iyo Qolka Matoorka.

Ceelkan oo baahi weyn u qabeen bulshada Deegaanka iyo dagsiimooyinka ka ag dhow,ayaa la filayaa in ay uga faa’ideystaan cabista iyo Waraabka meesiyada Xoolaha.

Bulshada,ayaa ku tiirsan Ceelasha Biyaha ee xilli Roobadyada.
Wakaladda Horumarinta Biyaha Puntland waxa ay ku hawlan tahay sidii Degaanada Puntland u heli lahaayeen Biyo ku filan waxa ay Wakaalladdu shaqooyin kala duwan ka wada Gobolada Puntland waxa ayna u kala hormarineysaa baahiyaha biyo ee ka jira ee degaanada iyo Gobollada.



= DHAMAAD =
XAFIISKA WARFAAFINTA WAKALADDA HORUMARINTA BIYAHA PUNTLAND .
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.