China oo u yeertay safiirka Mareykanka

Wasaaradda arrimaha dibedda China ayaa Isniintii u yeertay safiirka Mareykanka Terry Branstad, si ay cabasho uga muujiso sharci uu ansixiyey Congress-ka Mareykanka oo lagu magacaabo Sharciga Xuquuqda Aadanaha iyo Dimoqraadiyadda Hong Kong.

Wasaaradda ayaa sheegtay in sharcigaas uu la macno yahay faro-gelin lagu sameeyey arrimaha gudaha ee China.

Qoraal ay wasaaradda ku daabacday website-keeda ayey ku sheegtay in wasiir ku xigeenka arrimaha dibedda Zheng Zeguang uu ku cadaadiyey dowladda Mareykanka “inay saxdo qaladaadkeeda, islamarkaana joojiso faro-gelinta arrimaha Hong Kong iyo China.”

Dibad-baxayaal kasoo horjeeda dowladda ayaa muddo lix bilood ah banaanbaxyo ka waday waddooyinka Hong Kong, xilli ay jiraan rabshado sii kordhaya iyo cabsi laga qabo in China ay sare u qaadi doonto jawaabta ay ka bixineyso qaadacaadda dowladda.

Dibad-baxayaasha ayaa ka carreysan wax ay u arkaan inay tahay faro-gelin ay China ku sameyneyso xoriyadihii loo ballan-qaaday Hong Kong markii ay Britain dib ugu wareejisay China sanaddii 1997.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading