Ciidamada amaanka Bosaso OO heegan lagaliyay

Ciidamada Badda Puntland waxay isku fidiyeen goobaha muhiimka ah ee Magaalada Bosaso,kuwaasoo ay ka mid yihiin..

1.Garoonka diyaaradaha.

2.Taliska guud ee Ciidanka Badda.

3 Dekeda.

Ciidamadu waxay ka digtoon yihiin warar sheegaya in Magaalada lasoo galiyay Maleeshiyo iskugu jirta Burcad-badeed iyo Daacish,balse magac qabiil wata.

Maleeshiyaadkan waxaa maalgalinaya Nimankii lahaa shirkada PDG ee laga qaaday Mashruucii adeega Ciidanka Badda,kuwaasoo kala ah..

1.Ina Cabdullaahi Saalax Deer.
2.Senatar Mashruuc.
3.Ina Shire Quube.
4.Ciise Yulux.

Inkastoo xaalada magaaladu degan tahay xiligan hadana saakay waxay ku aadan tahay maalinkii ugu danbaysay ee shaqada shirkada PDG,iyadoo todobaad ka hor lasiiyay dhaqaale ka maqnaa.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading