Ciidamada amaanka Bosaso oo qabqabtay masuuliyiinta shirkadaha Eeneeyo iyo Golis

Ciidamada amaanka  ayaa maanta waxaa ay xireen madaxda ugu saraysa ee  Shirkadaha Golis iyo Eeneeye, kuwaasi oo lagu eedeeyay in ay masuul ka yihiin is rasaaseenta dhex martay ilaalada labada shirkadood.

Shalay  ayaa waxaa la xiray qaar ka mid ah ilaalada shirkadaha  Golis iyo Eeneeye oo baxsaday.

Saraakiil ka tirsan Puntland ayaa sheegay in tilaabo adag ay ka qaadi doonaan cidkasto oo si sharci daro ah ku dagaalanta bartamaha Magaalada Boosaaso ee Gobalka Bari.

Afar qof ayaa ku dhaawacmay israsaaseentii ka dhacay Magaalada Boosaaso ee Gobalka Bari, islamarkaana isbitaalada Magaaladaasi lagu baxnaaninayo.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading