Ciidamada amaanka Oo ka hor tagay Banaanbax xoog leh Oo ka dhici lahaa Muqdisho

Ciidamada amaanka ee magaalada Muqdisho ayaa maanta xiray qaar ka mid ah wadooyinka Gobalka Banaadir, waxaana la soo dhigay Ciidamo badan oo isugu jira Booliis iyo nabad Sugid.

Xirnaanshiyaha wadooyinka ayaa timid kaddib markii ay soo baxday warar sheegaya in banaan bax uu ka dhici rabo magaalada kaas oo looga soo horjeedo wararka sheegaya in uu jiro khilaaf soo kala dhaxgalay R/W Xasan Cali Khayrre iyo Guddoomiyaha Gobalka Banaadir.

Waddooyin dhowr ah ee la xiray ayaa waxaa ka mid ah waddda Maka Al-Mukarama, qeybo ka mid ah Wadada Wadnaha, halkaasoo ah goobo ay inta badan ay banaan baxyada ka soo bilowdaan

Ciidamo u badan Nabad sugid Soomaaliya ayaa lagu arkayay wadooyinkaas, sidoo kale meelaha qaar ayaa lagu jaray Gaadidka Booliiska, kuwaas oo Gaadiidka u diidaya in ay Isticmaalaan si looga baaqsado banaanbax laga cabsi qabo in uu ka dhaco Muqdisho.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading