Ciidamada Amniga Puntland oo howlgallo culus Caawa ka wadda Boosaaso.

BOOSAASO (IDIL NEWS)-Ciidamada amniga Dowladda Puntland, ayaa caawa howlgallo culus ka wada Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Degaanada Puntland.

Howlgalada oo ah kuwo ay fulinayaan qeybaha kala duwan ee Ciidamada amniga Puntland, ayaa ah kuwo qeyb ka ah howlgaladii maalmihii ugu dambeeyay ka socday Boosaaso, kuwaas oo lagu baadi goobayo kooxaha falalka ammaan darro ka geysta Magaalada.

Ciidamada amniga Dowladda Puntland, oo howlgaladan ka wada xaafadaha Magaalada Boosaaso, ayaa galaya guryaha, Iyagoona sidoo kale Shacabka weydiinaya Aqoonsigooda.

Saraakiisha Ciidamada ammaanka Puntland, ayaa sheegay in howlgalada kaddib ay warbaahinta la wadaagi doonaan Macluumaad la xariira howlgalka iyo cida lagu soo qabtay.

Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Dowladda Puntland, ayaa waxaa haatan ku sugan oo howlgallo ka wada Ciidamadii ugu badnaa ee Puntland, kuwaas oo intay Howlgalada wadeen gacanta kusoo dhigay dhagar qabayaal dil ka geystay Magaalada, iyadoona qeybtood la hor keenay Maxkamadda oo ku xukuntay dil.

IDIL NEWS


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading