Ciidamada Booliska Mudug Ee PL oo Gacanta ku dhigay Diyaarado Drons ah

5-Sameecadood oo waa weyn oo ay ku dhex jiraan 5-Diyaaradaha Drones-ka ah ayay qabteen Ciidanka Booliska Mudug ee PL.

Sameecadaha,ayaa ku rarnaa Gaari Bas ah oo kuwa Gobollada ukala safra ah,waxaana lagu qabtay Bartamaha Magaalada Gaalkacyo.

Ciidanka Booliska oo ku jira hawlgal amni xoojin ah,ayaa si kedis ah ula kulmay Baabuurka mar ay baarayeen Astaanka Gawaaridu ka baxdo,waxaana tuhunka dhaliyay markii mid ka mid ah Sameecadaha oo Qarax ku diyaarsanaa ay Dhulka ku dhacday oo ay Qarax samaysay.

Sameecad walba,waxaa ku jira Hal Drone,waxayna ahaayeen Afar kuwa Qaraxyada qaadi kara ah iyo mid kuwa wax duuba ah.

Kadib qabashada 5-tan Dron Ciidamada Booliska Garowe,waxay iyaguna baareen Sameecad ay maalmo ka hor qabteen oo laga shakisanaa,waxaana laga dhex helay Dron.

Tirada Guud ee haatan Ciidanku Gacanta ku hayaan,waa 6-Dron.

Sidoo kale Ciidamada amaanku,waxay Gacanta ku dhigeen Qofkii Garowe ujoogay,Qofkii Galkacyo ujoogay,Xaafiiskii Basaska iyo Qofkii Xamar ay ku socotay Saacado gudahood.

Drons-kan,waxaa loo waday Xamar,waxaana lahaa Shabaab,waxayna kasoo dageen Dekeda Bosaso.

Xogahan,waa hordhac aan kasoo helay laamaha amaanka Puntland,waxaana socota baaris.

JQ.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading