Ciidamada Burundi oo lagu eedeeyay in ay Haweenka Somaliyed uga faa’idaystaan duruufaha Nololeed

Hay’ada xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Wacht,ayaa shaacisay in Ciidamada Nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Somaliya jooga ku lug leeyihiin Galmo duruufeed.

Si gaar ah Ciidamada ka socda Wadanka Burundi ayay warbixintu tilmaantay in ay ku lug lahaanshaha ugu badan sameeyaan.

Galmo duruufeedka iyo Kufsiga Ciidamada ka socda Burundi ay kula kaceen Haweenka la daalaa dhacaya xaaladaha nololeed ee qalafsan,waxay sababtay in ay ku dhashaan Kumanaan Caruur ah oo ku dhex nool Xerooyinkooda Muqdisho.

Haweenka,waxaa looga faa’idaysanayaa baahiyaha iyaga Qoysaskooda haysta ee asaasiga ah sida…

1.Biyaha.
2.Raashinka.
3.Dawada.

Waxaa ugu weyn ee argagax leh,waa in Raashinka,Dawada iyo Biyaha nadiifka ah ee Haweenka looga faa’idaysanayo ay yihiin Deeq caalamka ka timid.

Warbixintu,waxay sheegaysaa,waxa ku khasbay in ay jirkooda ka iibshaan Haweenka iyo Gabdhaha aan qaangaarin Askarta Midowga Afrika in ay tahay uhelida Qoysaskooda Raashin yar,Dawo iyo Biyo,waxaana sababay nolosha adag ee Somaliya ka jirta,taasoo ay keentay….

1.Shaqo la’aanta gaarsiisan 95%.
2.Argagixisada Islaamka sheegata
3.Isbadalka Cimilada Aduunka.
4.Dagaallada sokeeye.

Waa wax aad looga xumaado in Gabar Somaliyed jirkeeda oo si khaldan loo isticmaalo ay ku khasabtay Gaajo iyo Haraad,iyadoo Dalkeedii joogta.

Halkan ka daawo muuqaalka

https://x.com/JibrilQoobey/status/1813519247999390043?t=FX4Zr4tvVE67BdoKg9yCIQ&s=19

 


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading