Ciidamada Canfarta oo weerar culus kusoo qaaday Xoolo dhaqato Somalida DDS

Ciidanka Canfarta,ayaa weerar culus kusoo qaaday shacabka xoolla dhaqatada ah ee Soomaliyeed, kuwaasoo xoollahooda u arroor geeyay Awaash (agagaarka Dhooqaley, shagle, xoola cade iyo Dudumoley).

Dad ka baddan Shan ruux,ayaa la sheegay in ay weerarkaas ku geeriyoodeen, halka dhaawac intaa ka baddan uu jiro, waxayna Canfartu halkaas ku dhacday xoolihii ugu badnaa abid oo iskugu jira sedexda Meesi ee xoollaha (Geel, Lo’ iyo Adhi).

Tirada xoolaha ay Canfartu maanta dhaceen,ayaa lagu qiyaasayaa iney ku dhaw yihiin Afar kun oo Neef.


Xigasho:-Voss Tv.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading