Ciiddanka Cirka ee Itoobiya,ayaa soo bandhigay warbixin saacado soconaysa oo ay kaga hadlayeen guullaha laga gaaray dhinaca Cirka.

Ciiddamadu waxay soo bandhigeen diyaarado casriya oo lasoo iibiyay,kuwa la dayactiray iyo kuwo ay sheegeen in dalka gudihiisa lagu xir-xiray.

Sannadkan dhamaaday kaliya ayay sheegeen in ay diyaaradahan ku baxeen lacag 200-Milyan oo Yuro ah.

Taliyaha Ciiddamada Cirka Itoobiya,ayaa sheegay in aad loo Qalabeeyay Ciiddamada Cirka,arrintaas ayuu sheegay in ay sababtay guullo laga gaaray dagaallada socda.


Jibril Qoobey.
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.