Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliya ayaa waxa ay kala wareegeen Maleeshiyaadka kooxda Alshabaab ilaa Afar Tuulo oo hoos tagto Degmada Janaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Taliyaha ayaa xusay in ay weli ku daba jiraan Maleeshiyaadkii ay ka ceyriyeen deegaanadaasi asaga oo xusay in ay jiraan dagaalo yar yar oo kaga imaanayo dhanka Maleeshiyaadka Alshabaab balse waxa uu sheegay in dhamaan xoog ku jiiri Doonaan.
Ciidamadda Xooga Dalka Soomaaliya ayaa u muuqdo in ay durbaba bilaabeen ka jawaab celinta Dalabkii Wasiirka gaashaandhiga ee ahaa in Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya looga Fadhiyo in ay Furaan dhamaan Wadooyinka ay ku sugan yihiin Maleeshiyaadka Al-shabaab si dadka abaaraha Saameeyeen Gargaar loo gaarsiiyo.
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.