Ciidamada DF oo soo baneeyay Furumihii dagaalka ee Gobalka Sh/dhexe (Sawirro)

BALCAD (IDIL NEWS)-Wararka ka imaanaya Gobalka Shabeelaha Dhexe, ayaa Sheegaya in cutubyo kamid ah Ciidamada Xoogga dalka ay soo faarujiyeen Fariisimo ay ku lahaayeen Degaano katirsan Degmooyinka Balcad, Jowhar iyo Mahadaay ee Gobalka Shabeelaha Dhexe.

Ciidamadan oo ku hubeysan Gaadiidka dagaalka ayaa la sheegay inay qeybtood gaartay Degmada Balcad, halka kuwo kalana la filayo inay gaaraan Saacadaha soo socda.

Saraakiisha Hoggaaminaysa Ciidamadan ayaa sheegay inay heysatay bilihii ugu dambeeyay Mushaar la,aan, Iyadoona haatan uu ka go’ay Saadkii dagaalka ee ay kaga hor-tagi lahaayeen Dagaalyahanada Al-Shabaab ama ay uga difaacan lahaayeen Fariisimahooda.

Sidoo kale, Saraakiisha ayaa sheegay inay yihiin Ciidamada ay hoggaaminayaan kuwo u diiwaan-gashan Dowladda, isla markaasna aan xaquuqdoodii helin bilihii ugu dambeeyay

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamadani ay saacadaha soo socda u kicin tamayaan Magaalada Muqdisho, si ay u muujiyaan Gaadoodkooda, Dadka degaanka ayaana waxaa soo foodsaartay cabsi ku aadan inay dhibaateeyaan Shabaab.

Baneynta Ciidamada ee furumaha dagaalka ayaa kasoo beegmaysa xilli, Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre uu habeen hore sheegay in Ciidamada ka cabanaya mushaar la’aanta ee isaga baxaya saldhigyada aysan u diiwaangashaneyn dowladda Soomaaliya.

Sawirro.

IDIL NEWS


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading