Waxaa bilaamay Gulufkii ugu balaarnaa oo ay Ciidanka Puntland ugu dhaqaaqeen firxadka argagixisada,kaasoo halmar maanta kawada bilaamay Xeebaha iyo Buuraha Cal-Miskaad.
Ciidanka,ayaa toos ugu dhaqaaqay guud ahaan Buuralayda lagu tuhmayo in ay Gabaad ka dhigteen firxadka argagixisada.
24-kii saac ee ugu danbeeyay Ciidanku,waxay heleen Xogaha firxadka argagixisada iyo Tiradii ugu badnayd Ajaanibtii oo Habqan ah.
Argagixisada,waxaa culays ku noqday markay waayeen Sahay iyo Saad,waxayna isku dayayaan in Xeelad ama Dagaal kaga baxsadaan Goobaha Ciidanku ku hareeraysan yahay.
Ciidanku Waxay heleen xogo laysku halayn karo.
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.