Laba Gaari iyo 6-Mooto oo Qaraxyo ku raran yihiin iyo ku dhawaad 400-Nin, ayay Ciidanka kusoo weerareen Xalay Saq dhexe.
Dagaalkaas ilaa hada Xabadiisu,waa sii Wiifleedahay oo Ciidanka,ayaa cayrsaday firxadkooda.
Ku dhawaad 100,ayaa laga dilay argagixisada,waxaana la baaxsanayay ilaa 16-km.
Ciidanka Difaaca Puntland khasaarahoodu,waxa uu hada marayaa…
1.Shahiid 28-Askari.
2.Dhaawac 85-Askari oo 10 culus tahay.
Ciidanka PL,waxay muujiyeen Geesinimo yaab leh,waxayna Nimanka kula dirireen Buuro ay ka samaysteen Difaac adag.
Dagaalka Maanta,waxay argagixisadu iska soo hormarisay Somalidii ku jirtay ee awal ay gadaal mariyeen,taasoo muujinaysa in Ajaanibkii sii jabayo.
Hawlgalku si qurux badan,ayuu usocdaa,waxaana sareeya Niyada Ciidanka.
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.