Ciidamada Israa’iil oo dukheeyay Saldhig Masar leedahay

Milateriga Israa’iil,ayaa sheegay in mid ka mid ah Taangiyadooda dagaalka uu si lama filaan ah u duqeeyay Saldhig Masar ay ku leedahay meel u dhow xudduudda Qasa, ee Kerem Shalom.

Kerem Shalom waa isgoyska ganacsi ee keliya oo ku yaal koonfurta Qaza oo hadda xiran. Waxay ku taal meel u dhow halka ay iska galaan soohdimaha Masar, Qasa, iyo Israa’iil.

Ciidamada difaaca Israa’iil,ayaa muujiyay sida ay uga xun yihiin dhacdadan, waxayna sheegeen in la baarayo sida ay wax u dheceen.

 


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading