Ciidamada Jubbaland oo Shabaab ka qabsaday deegaano cusub

Ciidanka Jubbaland, ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxay hawl-gallo ka sameeyeen dhul ka baxasan deegaanka dhiif Diif ee gobolka Jubbada Hoose, halkaasoo la sheegay inay ku sugnaayeen xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadan hawl-galka fuliyay ay Dhoobleey ka dhaqaaqeen, ayna wateen gaadiidka dagaalka, waxaana saraakiisha hawl-galka hoggaaminayay ay sheegeen inuu ahaa mid lagu xaqiijinayay amniga deegaannada Jubbaland.

Taliyaha ciidanka Jubbaland Dhoobleey, Haybe Axmed C/llaahi iyo saraakiil kale oo qayb ka ahaa hawl-galka ayaa waxay sheegeen in intii hawl-galkan uu socday aysan jirin wax dagaal ah oo dhex-maray iyaga iyo Al-shabaab, ayna tageen deegaannadii la sheegay inay ku sugnaayeen xoogagga ururka Al-shabaab.

“Hawl-galkan qorshihiisu wuxuu ahaa sidii loo xoojin lahaa amniga guud ee deegaannada Jubbaland, gaar ahaan goobaha hawl-galka laga fuliyay oo ay ku dhuumanayeen xoogag ka tirsan ururka Al-shabaab, guul ayaana kasoo hoynay,” ayuu yiri Taliye Haybe oo si kooban ula hadlay warbaahinta.

Dhinaca kale, Taliyaha ciidanka Jubbaland ee deegaanka Diif Liibaan Mahad Salaad ayaa sheegay inay ka go’aan tahay in Al-shabaab ay ka saaraan deegaannada ay kaga sugan yihiin gobolka Jubbada Hoose.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading