Ciidamada Milatariga Fadaraalka Itoobiya Oo gaaray Xuduudka Somaliya Ee Gobolada Dhexe

Wararka laga helayo xadka Gobolka Galgaduud uu la wadaago dalka Itoobiya,ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa Dowladda Itoobiya ay soo gaareen halkaas.


Ciidamadan oo aan ka mid aheyn AMISOM,ayaa kasoo ambabaxay Magaalada Jigjiga ee Xarunta Dowlad Deegaanka Somalida.


Ciidamadan oo wata Gaadiidka dagaalka,ayaa waxaa lagu soo waramayaa in ay tageen Deegaannadii ay dhawaan ku dagaalameen Ciidamada Liyuu Boolis-ka iyo Maleeshiyaad kasoo talaabay Xuduudka gudaha Somaliya.


Deegaanadan ay ciidamada Itoobiya ee Fadaraalka soo galeen waxaa ka mid ah Deegaanka Boorancad.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading