Waa God kale iyo Talis muhiim ahaa oo argagixisadu lahayd Buq Caleed oo ay Ciidamada Difaaca Puntland Gacanta ku dhigeen.
Taliskan,waxaa deganaa Madaxda Argagixisada iyo Xaasaskooda,waxa uuna lahaa Difaac adag.
Buq-caleed,waxay ujirtaa Dhasaan 20-Km,waxayna usamaysatay argagixisadu Wado toos ugasha oo 19-KM ah.
Waxaa loogu tagay Guryo,Godod Shub ah iyo Gaadiid ay gubeen argagixisadu.
Shalay,waxay Ciidamada Difaaca Puntland heleen Godad Hub ah,waxaana laga soo saaray..
1.40-Qori oo Aake ah.
2.6-Qori oo Snipers ah.
3.Beekaa emyo dhawr ah.
4.Dhashiise diirad leh.
Waxaa kaloo loogu tagay halkaas Maydadka argagixisada.
Talyaha Ciidamada Difaaca Puntland Jen.Aadan Cabdixaashi,ayaa sharaxaya Taliska Buq-caleed ee Maanta la qabtay muhiimadiisa.
Ciidamada Difaaca Puntland,waxay ku wajahan yihiin Godka kale muhiimka ah ee Miiraale,kaasoo firxadka argagixisada la filayo in ay isku urursatay.
Si Guud,waxaa si habsami leh usocda baacsiga firxadka argagixisada.
Cafiskii MW ee 7-da Cisho,ayaa isaguna weli aan dhamaan.
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.