Urur uu hogaaminayo Talyaha Qaybta Booliska Gobolka Bari Col.Cabdiqaadir Jaamac Dirir,ayaa Maanta,waxay heleen in ka badan 15-Nin oo firxadkii argagixisada ah.
Ciidanku,waxay ka dileen Unugtaas 5-Maleeshiyada ka mid ah,waxay kaloo ka reebteen Dameerihii Saadku ugu rarnaa iyo Soolarkii.
Sarkaalka aan xogtan kasoo xigtay,ayaa ii xaqiijiyay in Unugtan ay ahayd kuwii ugalay Gaariga Anbalaaska Wadada,waxayna ucarareen dhanka Miiraale.
Hawlgalkan ay Caiidamadu kawadaan Buuralayda usoo jeeda dhanka Bosaso,waxaa barbar socday digniino ay Dadka Deegaanka ugu sheegayaan in ay ka guuraan Aaga hawlgalku ka socdo ee firxadka argagixisadu soo galay.
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.