Ciidamada Puntland oo si buuxda usugaya amaanka Dhuusamareeb

Caawa waxaa magaalada dhuusamareeb ku sugan saraakiil muhiim ah oo ka tirsan hay’adda sirdoonka Puntland ee PISA.

Waxaa kaloo jooga ciidamada Joint Operation-ka Galmudug & Puntland oo amaanka Shirka wada sugaya.

Waxaa laga saarey dhuusamareeb 50-nin oo ka tirsan ciidanka Haramcad-ka ee Fahad Yaasiin.

Sidoo kale waxaa hada galay Dhuusamareeb 400 oo Ciidamada Gorgor iyo Shabeel ah oo ka yimid Puntland.

Gaar ahaan VIP Protection Presidential Security Force oo ah Ciidamada khaaska ah ee ilaalada Madaxtooyada Puntland.

Dhuusamareeb si buuxda,ayaa amaankeedu usugan yahay gacantana ugu jiraa.

Khatarta ugu weyn ee laga digtoon yahay waa Ciidamada Itoobiyaanka oo ku dhow Magaalada cadaawad fogna uqaaday Madaxweyne Axmed Madoobe kadib bahdilkii Kismaayo kasoo raacay.

Jibril Qoobey.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading