Ciidamada Puntland oo soo afjaray argagixisadii Toga-jeceel

Si buuxda,ayaan Gacanta loogu dhigay Sheebaab iyo Deegaamadii ku teedsanaa oo uu ku jiro Fariisinkii Argagixisada ee Gaatir-Oodan.

Gacan ku dhigida Sheebaab,waxay ka dhigan tahay in lasoo afjaray Toga-jeceel oo dhan 300-km dherer ah.

Qabashada Sheebaab,waxay kaloo ka dhigan tahay in argagixisada fadhigeedii,Madaxtooyadii iyo Taliskeedii lasoo afjaray Gacantana lagu dhigay.

Sidoo kale,waxay ka dhigan tahay in Wajigii Labaad ee hawlgalka lasoo afmeeray.

Guushan,waxaa lagu xaqiijiyay Dhiig iyo Dhaqaale door ah oo loo huray,waxaana Cagta la mariyay ku dhawaad 500-Xubnood oo argagixisada ah.

Wajiga Sadexaad ee hawlgalka oo ah sifaynta Guud ee firxadka,ayaa ku xigi doona oo Maalmo kadib bilaaban doona.

Puntland,waxay Wadajir usamaysay Taariikh,waxaana Guushan Mahadeeda iska leh Ciidamada,Shacabka iyo Maamulka.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading