17-km ayay Ciidanku horay uga socdeen Turmasaale,waxayna Gacanta ku dhigeen Dharin.
Argagixisada si fiican,ayaa loo gumaaday oo tirada ilaa iyo hada la arkay,waa 24-Mayd ah.
Waxaa kaloo laga furtay Hub iyo Saanad fara badan.
Taliska Dharin ee la qabtay,waa mid ka mid ah Sadexda Talis ee argagixisada u harsanaa ee muhiimka ahaa.
Dhanka Ciidamada Difaaca Puntland,waxaa soo gaaray khasaare dhan……
20-Dhaawaca oo uu fudud yahay Dhaawacoodu.
Talye Ilig Gacan,ayaa ka jabtay,waa fudud yahay Dhaawiciisa.
Talye Duwane,lama soo qaadin oo Ciidankiisii,ayuu sii watay,waxa gaarayna,waa Firir.
Talye Gaagaale,lama soo qaadin oo Ciidankiisa,ayuu sii watay,waxa gaaray,waa Firir isagana.
Dhimashada Ciidanka Difaaca Puntland soo gaaray,waa 5-Shahiid,rabi ha’unaxariisto janadiina haka waraabiyo.
Ciidanka Difaaca Puntland,waa ku guulaysteen hawlgalkii Saakay dagaal kharaar kadib.
Discover more from Idil News
Subscribe to get the latest posts sent to your email.