Ciidamada Ruushka oo kordhiyay dukheymaha ay ka wadaan Gobolka Kherson

Ciidamada Ruushka ee ku sugan Koonfurta dalka Ukraine,ayaa kordhiyey duqeymaha ay ku hayaan gobolka Kherson ee dhawaan la xoreeyey.

Magaaladu,ayaa inta badan koronto la’aan ama biyo la’aan la daalaa dhacaysa.

Waxaa markale la duqeeyay, Warshadda nukliyeerka ee Zaporizhzhiya ee Waddanka Ukraine ayaa ah midda ugu weyn ee ku taal qaaradda Yurub, xilli mas’uuliyiinta Ruushka iyo Ukraine ay isku eedaynayaan weerrarka.

Wakaaladda wararka ee Ruushka,ayaa ku warrantay in 15 gantaal lala dhacay goobta.

Wakaaladdu waxa ay soo xiganaysaa sarkaal sheegay in gantaalladaasi ay ku soo agdhaceen qeybta qashinka lagu kaydiyo ee Warshadda, iyo Guri lagu xareeyo shidaalka nukliyeerka loo adeegsaday.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading