Ciidamada Sudan oo weerar ku ekeeyay kuwa Itoobiya

Ciidamada dalka Sudan ayaa weerar ballaaran ku qaaday Ciidamada Itoobiya oo saldhigoodu ahaa gudaha degaanka lagu muransan yahay ee Al Fashaga sida uu xaqiijiyey Wargeyska Sudan Tribune.

Weerarkan ayaa dhacay kaddib markii la diley 7-askari oo u dhashay dalka Sudan oo ay gacanta ku dhigeen Ciidamada Ethiopia 22-kii bishan Juun, itoobiyaanka ayaa askarta sudaan maydadkooda kusoo bandhigay waddooyinka sidoo kale sawirradooda ayaa lagu faafiyey baraha bulshada.

Wargeyska Sudan Tribune oo soo xiganaya Hogaanka sare ee ciidamada suudaan ayaa sheegay in Ciidamada Sudan ay la wareegeen degaanada Kala-Leban, Barkhat iyo buuraha Tesfai Adawi ee Fashaga, ciidamada sudan ayaa sidoo kale soo qabtay askar Itoobiyaan ah kuwaasoo muuqaalkooda lagu faafiyo Tv-ga dawladda suudaan.

Abaanduulka Guud ee Ciidamada Sudan Abdel Fattah al-Burhaan oo hadlay isagoo ku sugan deegaanadii ay qabsadeen ciidamada sudan, wuxuu ku ballanqaaday inay sudan u aargudi doonto askartii shalay laga diley.

Abdirisak Jubba.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading