Ciidamada Turkiga oo ku duulay magaalo Suuriya ku taala

Ciidamada Turkiga oo ay la socdaan ciidamo Suuriyaan ah ayaa ku duulay magaalo ku taala waqooyiga dalka Syria oo ay ku sugan yihiin maleeshiyaad Kurdiyiin ah.

Warbaahinta Syria ayaa baahiyay in ciidamada wada socda ay ku duuleen tuulo hoos taga magaalada Raqah halkaasoo uu ka dhacay dagaal xoog leh.

Wakaaladda wararka Syria ee SANA ayaa baahisay in dagaalkaan ay ka qeyb galeen diyaaradaha dagaalka ee Turkiga.

Dad badan ayaa magaaladaas ka qaxay sida laga soo xigtay kooxda xaquuqda aadanaha Syria ee fadhigoodu yahay dalka Ingiriiska.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading