Ciidamada Yuhuuda oo dilay Daraasiin Shacab Falastiiniyiin ah

Duqeymo cirka ah oo ay Israa’iil ka geysatay marinka Qaza ayaa Sabtidii lagu dilay ugu yaraan 18 qof, oo dhammaantood hal qoys ka soo jeeday, saacado kaddib markii dhexdhexaadiyeyaashu ay rajo ka muujiyeen heshiis xabbad-joojin ah oo dhexmara Israa’iil iyo Xamaas.

Weerarkii cirka ee Sabtidii ayaa lala beegsaday guri iyo bakhaar ku dhow oo ay gabbaad ka dhigteen dad barakacayaal ah oo ku yaal halka laga soo galo magaalada Zawaida, sida uu sheegay Isbitaalka Shuhadada ee Al-Aqsa ee Deir al-Balah, halkaas oo dhaawacyo la gaarsiiyay.

Wariye ka tirsan Associated Press oo halkaasi ku sugan ayaa tiriyay dadka ku dhintay weerarkaasi.

Weerarkan ayaa kusoo beegmaya iyada oo saraakiisha Mareykanka, Masar iyo Qatar ay soo afjareen kulamo lagaga arrinsanayey sidii loo gaadhi lahaa heshiis xabad joojin ah kaas oo socday muddo laba maalmood ah, waxayna rajo ka muujiyeen in heshiis laga gaaro dagaalka 10-ka bilood socda.

War-murtiyeed ay si wadajir ah u soo saareen ayaa lagu sheegay in la soo bandhigay soo jeedin lagu doonayo in lagu soo afjaro farqiga u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas, waxaana ay filayaan in toddobaadka soo socda ay magaalada Qaahira ku soo bandhigaan faahfaahinta hirgelinta heshiiska.

Dadaalka dhexdhexaadinta ayaa ujeedadiisu yahay in la sii daayo tiro badan oo la haystayaal ah oo Israa’iiliyiin ah, lana joojiyo dagaalka halakeeyay marinka Gaza, kaas oo dhimashadu kor u dhaaftay 40,000 oo qof, sidii kalena laga cabsi qabo in cudurka dabayshu uu ka dillaaco.

Wadahadallada ayaa sidoo kale loogu talagalay in lagu waboojiyo xiisadda gobolka oo aad u kacsan, tan iyo wixii ka dambeeyey markii ay Iran iyo taageerayaasheeda gobolku ay ku hanjabeen inay qaadi doonaan weeraro aargoosi ah.

Xigasho:-VOA.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading