Ciidamadii ka hawlgalay Mudug iyo Nugaal oo loo Mahadceliyay

Garoowe: 24 September 2024: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa kulan la qaatay Ciidanka Madaxtooyada iyo Ciidanka PMPF oo kawada howlgaleyay safaradii Madaxweynaha ee Gobollada Nugaal iyo Mudug.

Cutubyada ciidanka Madaxtooyada ee uu la kulmay Madaxweynuhu, ayaa kala ahaa horinta 2-aad ee Ciidanka Madaxtooyada oo soo dhameysatay tababar khaas ah, horinta 12-aad ee ciidanka Madaxtooyada iyo Ciidanka PMPF ee shaqada Madaxtooyada sii waday mudadii tababarku u socday horinta 2-aad.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa warbixin ka dhegaystay taliyaha Ciidanka Madaxtooyada iyo saraakiisha Ciidanka, wuxuuna ku boggaadiyay sida wanaagsan ee ay waajibaadkooda u guteen Ciidanku.

-DHAMMAAD-

-XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND-


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading