Ciidamo Amxaaro ah Oo gudaha ugalay Dhuusamareeb

Ciidamo Amxaaro ah oo fasax ka haysta Madaxtooyada Somaliya ee uu xiligan dhex fadhiyo Farmaajo,ayaa gudaha ugalay Magaalada Dhuusamareeb.

Dhuusamareeb waxay Xukuumada Fadaraalku qorshaynaysaa in ay ku qabato shir lagu dhisayo maamulka Galmudug bishan bartankeeda.

Culumada Ahlusuna oo horay heshiis ula galay Dowlada,ayaa hada ka biya diidsan sida wax usocdaan waxayna sheegeen in looga baxay qodobo ka mid ahaa heshiiskii dhexmaray iyaga iyo Xukuumada.

Ciidamada Itoobiya ee gudaha ugalay Dhuusamareen,ayaa umuuqda kuwo wax lagu caburinayo oo ay u adeegsanayso Xukuumada Fadaraalka danaheeda gaarka ah.

Waxaa xusid mudan in Farmaajo lagu doortay Wadaniyad iyo ka fogaansho itoobiya.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading