Ciidamo Boolis cusub ah Oo ka socda dalka Siraliyoon Oo soo gaaray magaalada Muqdisho

Saraakiil iyo Askar Boolis ah oo ka socda Wadanka Sierra Leone ayaa ka soo degay Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Muqdisho,kuwaasi oo u sii gudbay magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Dowlada Goboleedka Jubbaland.
 
Ujeedada imaatinka saraakiishan iyo askarta ka socda dalka Sierra Leone oo tiradoodana gaareyso 145 ayaa lagu sheegay in ay tahay sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen tayaynta iyo tababaridda ciidanka booliska ee ka howlgala Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya,iyagoo haatan si gaar ah ugu amba baxay Jubbaland.
 
Kusimaha taliyaha ciidanka Booliska AMISOM Ms. Christine Alalo, ayaa sheegtay in ay sii xoojin doonaan awood siinta iyo tayaynta ciidamo boolis ah oo ka tirsan Jubbaland,kuwaasi oo horey booliska AMISOM ay u tababareen.
 
Ms. Christine Alalo ayaa uga mahadcelisay dowladda dalkaasi Sierra Leone sida ay askardeeda ugu soo dirtay Soomaaliya si ay uga qeyb qaataan taageeridda Soomaaliya,wuxuuna sheegay in imaatinkoodi ay wax badan ku soo kordhin doonto tababarka ciidamada booliska.
 
Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee Jubbaland ayaa horey waxaa ugu sugnaa ilaa 15 saraakiil oo boolis ah,kuwaasi oo ka socda wadanka Sierra Leone,iyadoo imaatinka 145tan kalena lagu xoojinayo saraakiishaasi,waxaana tirada guud ay noqonaysaa ilaa 160 qof oo isugu jira saraakiil iyo askar boolis ah.

Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading