Ciidamo iskaashanaya oo burburiyay Saldhigyo Alshabaab oo ku yaala Koonfurta Dalka

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran loona yaqaan Danab ee Dowlada Fadaraalka Somaliya,ayaa dhaqdhaqaaqyo Ciidan iyo howgallo waxay ka wadaan deegaano dhowr ah oo ka tirsan Gobolada Jubbooyinka.
 
Ciidanka, ayaa goobaha ay Howlgalka ka wadaan waxaa kamid ah, Jammaame, Kaban iyo Kamsuuma, waxaana Saraakiisha hoggaamineysa ay sheegeen in ay bur buriyeen Saldhigyo ee Alshabaab deegaanadaasi ku lahaayeen.
 
Waxay gacanta kusoo dhigeen Ciidanka Kumaadooska Danab ku dhawaad 20-qof oo la xiriirinayo in ay ka mid yihiin Alshabaab, iyaggoo baaris ku wada, si loo kala saaro.
 
Taliyaha qeybta 43-aad ee ciidanka xoogga dalka General Ismaaciil Saxardiid oo la haday Idaacadda Codka Ciidamada, ayaa sheegay in howlgalada ay si wadajir ah ay u fuliyeen Ciidanka gaarka ah ee Danab oo gacan ka helaya Kuwa Mareykanka.
 
Taliyaha, ayaa sidoo kale sheegay in Ciidanka ay ku guuleesteen in ay bur buriyaan goobo Alshabaab ay ku dhibaateen jireen dadka shacabka ah ee Sooman.

Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading