Ciidanka Badda Puntland oo qabtay Markab si sharci-darro ah u Kalluumeysanayay (VIDEO)

Ciidanka Badda Puntland ee PMPF ayaa xeebta degmada Qandala ee gobolka Bari ku qabtay Markab si sharcidaro ah uga Kalluumaysanaayey Badda Puntland.

Sidoo kale, Ciidanka PMPF Puntland ayaa gacanta ku dhigay shaqaalihii la socday Markabka oo gaarayay ilaa 10 shaqaale ah.

Ciidammada Badda Puntland ayaa horey sidan oo kale u qabtay Maraakiib iyo Doonyo si sharci-darro ah uga kalluumeysanayay xeebaha Puntland, kuwaas oo lasoo taagay Maxkamad.

https://fb.watch/6jU2VnmwWH/

Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading