Ciidanka Booliska PL Oo aqoonsaday Ninka dilay ku xigeenka Jaamacada EA

Ciidanka Booliska Puntland Qaybta gobolka Bari ayaa wada hawlgalka soo qabashada ninkii ku eedaysnaa dilka Alle ha u naxariistee guddoomiye kuxigeenkii maamulka iyo maaliyadda Jaamacadda Bariga Afrika Khaalid Cali Khaalid Awmuuse.

Taliyaha qaybta gobolka Bari G/sare Cabdiqaadir Jaamac Dirir oo Howlgalka hogaaminaya ayaa sheegay in uu Howl-galka baadigoobka Gacan ku dhiigle Maxamed Abshir Muuse uu socda wilina aan gacanta lagu soodhigin isagoo sheegay in ay faahfaahin ka bixin doonaan dhacdadaas marka uu Howl-galku soo gaba gaboobo.

Haddii aad heshid xog ku saabsan falal Amni daro ama aad arragtid wax aad ka shakisan tahay iyo wax walba oo la Xiriira dhaq-dhaqaaqa Amniga Puntland, isla markaana aad ku sugan tahay gudaha dalka.

Fadlan, La soo xiriir Ciidanka Booliska Puntland oo #Wac 999 haddii aad ka warbixinayso dembi socda ama haddii ku jirto khatar degdeg ah 24/7

– DHAMMAAD –

XAFIISKA WARFAAFINTA
CIIDANKA BOOLISKA PUNTLAND.


Discover more from Idil News

Subscribe to get the latest posts sent to your email.

 

Discover more from Idil News

Subscribe now to keep reading and get access to the full archive.

Continue reading